Bulsho Kaabe

Website Contact the business

Bulsho Kaabe WARAR DEGDEGA,HEESO,SUUGAANTA KALA DUWAN BARNAAMIJYO

21/09/2026

E-Visa: Soomaaliya Oo Ku Hawlan Inay Audit-ka Ka Gudubto, Somaliland-na Single Entry Lagu Darro!
Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay uga gudbi lahayd heerka Audit-ka oo ay h**e ugu dhacday, iyadoo qorshaheedu yahay in marka ay heerkaas ka gudubto ay Somaliland ku darto nidaamka Single Entry.
Arrintan ayaa dhalinaysa su’aalo ku saabsan qorshaha Soomaaliya iyo saamaynta uu nidaamka E-Visa ku yeelan karo Somaliland.

DIGNIIN CULUS: COLAAD CUSUB OO LAGA DIGAY DEEGAANNADA ISGOYSKA IYO ABOKOR AXMEDXiisadda ka dhex taagan beelaha walaalaha...
18/09/2026

DIGNIIN CULUS: COLAAD CUSUB OO LAGA DIGAY DEEGAANNADA ISGOYSKA IYO ABOKOR AXMED
Xiisadda ka dhex taagan beelaha walaalaha ah ee deegaannada Isgoyska iyo Abokor Axmed ayaa walaac laga muujiyey, iyadoo baaq loo diray maamullada gobollada Jarar iyo Faafan iyo degmooyinka Daroor iyo Xarshin inay si degdeg ah uga hawlgalaan arrintan.
Taariikh ahaan, beelaha Arab iyo Ciida Gale, gaar ahaan Abokor Muuse, waxa ka dhexeeyey xidhiidh walaalnimo iyo iskaashi soo jireen ah.
“Intaanay nabaddu xumaan, ha la qabto tallaabada lagu badbaadinayo. Colaadda cusub yaan loo oggolaan inay noqoto aargoosi dhiig badan dhaliya.”

Bulshada, odayaasha iyo maamullada deegaanka waxaa loogu baaqayaa inay ka hortagaan hurinta colaadda, isla markaana ilaaliyaan nabadda iyo wada noolaanshaha.

14/09/2026

Badhasaabka Gobolka Hawd, Maxamed Cabdillaahi Jaamac Bookh, ayaa saaka kormeer shaqo ku tegay tuulada Magaalo-Xaali ee degmada Gumburaha.
Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd xalinta khilaaf ka jiray deegaanka, kaas oo uu sheegay Badhasaabku in si habsami leh loo soo afjaray.
Kormeerka waxaa ku wehelinayey maamulka degmada Gumburaha iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Hawd.

  OO HARGEYSA KA FURAY TABABAR KU SAABSAN DHAQAN-GELINTA SHARCIGA IYO MAAREYNTA KHATARTAAgaasimaha Fulinta ee Mac-hadka ...
12/09/2026

OO HARGEYSA KA FURAY TABABAR KU SAABSAN DHAQAN-GELINTA SHARCIGA IYO MAAREYNTA KHATARTA

Agaasimaha Fulinta ee Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda (CSI), Maxamuud Siciid Cadaad, ayaa Hargeysa ka furay tababar shan maalmood ah oo ku saabsan Dhaqan-gelinta Sharciga iyo Maareynta Khatarta (Legal Compliance and Risk Management).

Tababarka waxaa ka qayb-galaya 30 hawl-wadeen oo ka kala socda 15 Wasaaradood iyo Hay’ado Dawladeed, iyadoo lagu xoojinayo aqoontooda ku saabsan shuruucda, habraacyada shaqada iyo maaraynta khataraha.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hufnaanta, u hoggaansanaanta sharciga iyo tayada shaqaalaha dawladda.

BADHASAABKA SANAAG OO AMNIGA GOBOLKA KULAN DEGDEG AH KA YEESHAYNuxur: Badhasaabka Gobolka Sanaag iyo Guddida Nabadgelyad...
12/09/2026

BADHASAABKA SANAAG OO AMNIGA GOBOLKA KULAN DEGDEG AH KA YEESHAY

Nuxur: Badhasaabka Gobolka Sanaag iyo Guddida Nabadgelyada ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay Ceerigaabo, iyagoo xoogga saaray xoojinta amniga iyo isku-duwidda hay’adaha gobolka.

Badhasaabka Gobolka Sanaag, Maxamed Xasan Faahiye (Culus), iyo Guddida Nabadgelyada Gobolka ayaa saaka kulan ku yeeshay xarunta maamulka gobolka.

Kulanka oo ay ka qayb-galeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Badhasaab-ku-xigeenka Sanaag, Maayirka Ceerigaabo iyo Xoghayaha Fulinta Gobolka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta wada-shaqaynta hay’adaha kala duwan ee gobolka.

Masuuliyiintu waxay isla qaadaa-dhigeen sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda hawlaha amniga, loona adkayn lahaa xasilloonida Gobolka Sanaag.

08/09/2026

OO YEELATAY BADHSAAB CUSUB, WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA OO HOGGAANKA CUSUB XILKA KU WAREEJIYEY

WASIIRKA WAXBARASHADA JSL OO KORMEER KU SAMEEYAY XARUMAHA WAXBARASHADA EE CEERIGAABOCEERIGAABO — Wasiirka Wasaaradda Wax...
08/09/2026

WASIIRKA WAXBARASHADA JSL OO KORMEER KU SAMEEYAY XARUMAHA WAXBARASHADA EE CEERIGAABO

CEERIGAABO — Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf (Cadhoome), ayaa kormeer shaqo ku tegay xarumaha waxbarashada ee magaalada Ceerigaabo.

Kormeerku wuxuu diiradda saaray habsami-u-socodka hawlaha waxbarasho, joogtaynta ardayda iyo macallimiinta, xaaladda guud ee xarumaha iyo baahiyaha jira.

Intii uu booqashada ku jiray, Wasiirku wuxuu la kulmay maamullada, macallimiinta iyo ardayda, isagoo ka dhegaystay warbixinno ku saabsan xaaladda iyo caqabadaha horyaalla.
Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa sheegay in tallaabadani qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo xaqiijinta adeeg waxbarasho oo wanaagsan oo ay helaan ardayda Somaliland.

Waxa uu maamulka iyo macallimiinta ku boorriyey inay sii xoojiyaan kaalintooda ku aaddan baridda, barbaarinta iyo kobcinta aqoonta jiilka, isaga oo xusay muhiimadda waxbarashadu u leedahay horumarka bulshada iyo dalka.

08/09/2026

XOGHAYE FAHAD OO DARDARAN ADAG U JEEDIYEY WAAXDA DHULKA BALIGUBADLE

06/09/2026

Salmiya ayaanu ka Dalbaneyna Xukumada Wadani
Hadii ay sii deyn weydo abwaan jiheye sidaa waxa yidhi abwaan cabdilaahi

🚒   DAB-DAMISKA BALIGUBADLE — WAX-QABAD MUG LEHMashruuca Dhismaha Xarunta Dab-damiska ee Baligubadle waa mid ka mid ah m...
06/09/2026

🚒 DAB-DAMISKA BALIGUBADLE — WAX-QABAD MUG LEH

Mashruuca Dhismaha Xarunta Dab-damiska ee Baligubadle waa mid ka mid ah mashaariicda horumarineed ee si muuqata uga hirgalay degmada Baligubadle.

Mashruucan waxaa maalgelisay Qasnadda Dawladda Hoose ee Baligubadle, waxaana hirgelintiisu qayb ka tahay qorshaha Xukuumadda Wadajir iyo Wax-qabad ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo kaabayaasha degmada.

đźš’ waxay bulshada u noqonaysaa adeeg muhiim ah oo wax weyn ka tari doona ka hortagga iyo la tacaalidda khataraha dabka, iyadoo kor u qaadaysa badbaadada iyo adeegyada degdegga ah ee magaalada.

Waa mashruuc la taaban karo, waana wax-qabad muuqda oo bulshada Baligubadle ay maanta indhaheeda ku arkayso.

WADAJIR IYO WAX-QABAD — HORUMAR LA TAABAN KARO.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bulsho Kaabe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Bulsho Kaabe:

Shortcuts

Share

Category