24/10/2026
📢 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 𝐁𝐀𝐍𝐍𝐀𝐀𝐍 – 𝐑𝐄𝐀𝐋 𝐄𝐒𝐓𝐀𝐓𝐄 𝐒𝐀𝐋𝐄𝐒 𝐎𝐅𝐅𝐈𝐂𝐄𝐑
FADLAN AKHRI SIDA LOO XAREEYO
Waxaan raadinaynaa qof firfircoon oo masuul ka noqon doona iibka dhulalka, guryaha iyo adeegga macaamiisha.
Waajibaadka Shaqada:
1. Iibinta dhulalka (Plots) iyo guryaha.
2. La macaamilka iyo la socodka macaamiisha.
3. Soo bandhigista dhulalka iyo guryaha iibka ah.
4. Horumarinta iibka iyo xidhiidhka macaamiisha.
Shuruudaha:
✅ Shahaado jaamacadeed (Engineering ayaa mudnaan leh, balse shahaadooyinka kale waa la aqbalayaa).
✅ Liisanka wadista baabuurka (Driving Licence) – Waa qasab.
✅ Akhlaaq wanaagsan, dabeecad fiican iyo hab-dhaqan xirfadeed.
✅ Maskax furan, diyaar u ah barashada waxyaabo cusub iyo aqbalidda talooyinka.
✅ Qof firfircoon, masuul ah, oo leh karti xidhiidh iyo wada-hadal wanaagsan.
⭐ Khibrad shaqo shardi ma aha! Waxaan diyaar u nahay inaan tababarno qofka ku habboon. Waxa noogu muhiimsan waa akhlaaqda, hab-dhaqanka, maskax furnaanta iyo rabitaanka horumarka.
📍 Goobta Shaqada: Hargeysa
📩 Codsiga: Soo dir CV-gaaga. [email protected]